Nabad Iyo Caano: Muuqaalo Laga Soo Qaaday Gobolada Waqooyi Bari Ee Soomaaliya

by Fatima Jibrell and James Lindsay

0 ratings • 0 reviews • 0 shelved
Book cover for Nabad Iyo Caano: Muuqaalo Laga Soo Qaaday Gobolada Waqooyi Bari Ee Soomaaliya

Bookhype may earn a small commission from qualifying purchases. Full disclosure.

Fatima iyo James waxaa ay ku dadaaleen in Buugga Nabad iyo Caano ay ku soo bandhigaan quruxda iyo bilicda dhulkeenu leeyahay, masiibada ku habsatay iyo dadaalka dadkiisu ku jiraan. Waxaa kale oo ay noo iftiimiyeen waxtarka dhulku leeyahay iyo firfircoonida baacmushtarka soomaalida. Fikirka aan buuggan ka qaatay waxaa weeye hodontinimada iyo muuqaalka qurxoon ee dhulkeena oo ay ku gadaaman yahiin iftiinka bilicda leh ee Bada cas iyo Bada Hindia, iyo sida ay u baabi'inayaan tuugada caalamiga ah ee Badaha xaaqa ugaarsadana khayraadkeena. Nabad iyo Caano waxaa uu ka mid yahay dadaalada ay wadaan dadka ilaaliya khayraadka iyo barwaaqada Eebe uu dhulkeena ku manastay. Fatima iyo James, waxaan uga mahadinayaa daymadooda aragtida qurxoon, iyo sida ay noola wadaageen muuqaalada ilwaada leh oo dalkeena yo dadkeenu leeyihiin, barnaamijkaanina waxaa naga mudan yahay in aan siino gacan aan kala har lahayn.
  • ISBN10 1105621588
  • ISBN13 9781105621581
  • Publish Date 6 April 2012
  • Publish Status Active
  • Publish Country US
  • Imprint Lulu.com
  • Format Paperback
  • Pages 80
  • Language som